Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ka fuliyey gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Hoose. Howlgalka gobolka Hiiraan: Waxaa lagu dilay horjooge Cabdi Xiiray iyo labo horjooge oo kale oo ku sugnaa degmada Moqokori. Horjooge Cabdi Xiiray, oo muddo lagu raad joogay, ayaa ahaa dhiigyo-cab abaabulay dhagarro iyo shirqoollo badan oo lagu waxyeelleeyay shacabka deegaannada Hirshabeelle. Howlgalka gobolka Galgaduud: Illaa 11 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ka dib markii la helay xog ku saabsan maleeshiyaad Khawaarij ah oo halkaasi lagu abaabulayay. Howlgalka gobolka Shabeellaha Hoose: In ka badan 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, howlgal lagu beegsaday maleeshiyaad cadowgu ku urursanayey tuulada Tugaarey oo hoos timaadda degmada Awdheegle. Howlgalladan bartilmaameedka ah ayaa qayb ka ah dadaallada lagu naafaynayo Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo nooc kasta oo shirqool ay u abaabulaan shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *