Asbuucan mugadisho waxaa ku dhintay dad ay dileen rasaasta ay is waydaarsanayeen askar siyaasiyiin wataan kuwaa ooo qabiil awgii iyaguna u dhimanaya dadka ay xabadoodu dishayna aan aqoon sababta ay u dileen aakhirana jawaab u haynin labadaa sababood!
#kaliya waxa ay ka dhinteen ehelkooda siyaasigii ay u dhinteena mid kale ayuu ku badalanayaa haddii uu caruur ka tagayna cidi uma maqna dadkii uu dilay xisaabtoodiina aakhiro uga horaysaa!!
Haddii ay dhalinyarta soomaaliyed hal mid garowsan lahaayeen waxaa toosi lahaa nolosha qof kasta oo soomaaliyeed oo uu siyaasi aan dal io dadba dan ka lahayni ku ciyaarayo maalin waliba🥹
Waxaan dhaxalnay dhaxalkii ugu foolxumaa ee dad nooli dhaxli lahaayen oo ah qabyaalad iyo fahmid la’aanta qiimaha noloshu leedahay.
Waxaan illaahay dacwo uga nahay#siyaasiyiinta soomaalied Waxaan waynay cid naga qabsata dhinac kaste ayay noo duleeyeen waxay khamaar u dhigteen mustaqbalkeenii iyagoo danohooda gaadh eeganaya waxay maalin kasta dushooda birta wax disha ku qubayaan ehelkeena iyaga oo ehelkoodii ka fogeeystay, dhibaatada ay noo horseedayaan iyaga hal dhib kama soo gaadhayo sababtoo ah ehelkooda dalalka amniga ah ayay gaysteen waxa kaliya een dhibtooda loo naxayn iyaguna qabyaalad aanay waxba ku qabin ku madax marani waa inaga.
Qofka soomaaliga ah Ee siyaasiga soomaaliga ah Ee maanta dantiisa meeshuu ka dhex arkayo u ordaya daba ordaya ee taageero uu u dhiman kara u muujinayoow ogoow Waxaad ku jirtaa xaalad aanu xayawaanku ku jirin.
