Kadib markii Khawaarijta laga saaray Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaninayo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Generaal Sahal Cabdullaahi Cumar. Masuuliyiinta Taliyaha Socdaalkan ku wehlinayay waxaa ka qeyb ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdiqaadir Maxamed iyo Saraakiil ka tirsan howlgalka AUSSOM. Taliyaha ayaa Kormeer ku sameeyay goobaha laga saaray Khawaarijta, Taliyaha iyo masuuliyiinta Socdaalka ku wehlinayay ayaa kulan gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqaka, iyagoo kala hadlay arrimaha Amniga iyo kaalinta dadka deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *