Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa gabdho ka tirsan Ciidanka Booliska u soo xiray tababar ku saabsan habka loogu adeego Haweenka iyo Carruurta tacadiyada lagula kaco.
Gabdhaha ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa waxay ka howlgeli doonaan Saldhigyada iyo goobaha muhiimka ah ee la geeyo kiisaska tacadiyada la xiriira.
























