Wasiir Kuxigeenka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xil. Mohamed Hassan Mohamed Bulaale, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan sidii wax looga qaban lahaa xaaladda bini’aadantinimo ee ka taagan gobolka Awdal. Dr. Mohamed ayaa caddeeyay sida ay dowladda Federaalka iyo shacabka Awdalba uga go’an tahay helidda taageero caalami ah, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda iyo shacabka Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Mohamed Bulaale ayaa yiri:

“Anigoo matalaya shacabka Awdal, waxaan ku dadaalayaa in codkooda iyo baahiyahooda degdegga ah la gaarsiiyo heer caalami, si loo helo taageerada ay xaqa u leeyihiin.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *