Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, Mudane Xasan Macallin, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qaybgalay kulan heerkiisu sarreeyo oo lagu xoojinayo iskaashiga Dowladda iyo Beesha Caalamka, loogana hadlay Istaraatiijiyadda Dib-u-habaynta Garsoorka dalka.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda, Wasiirrada Cadaaladda ee Maamul-goboleedyada, Safiirka Soomaaliya ee Kenya, wakiil ka socday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Agaasimeyaal iyo howlwadeenno ka socda Wasaaradda Cadaaladda iyo wakiillo ka socda hay’adaha UNDP, UNODC, UNTMIS iyo Midowga Yurub (EU).
Shirkan ayaa ah mid lagu xoojinayay iskaashiga Dowladda iyo Beesha Caalamka, si loo mideeyo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka garsoorka dalka, iyadoo diiradda lagu saaray helitaanka cadaalad loo siman yahay, sharci dejin hufan iyo xoojinta kalsoonida shacabka.