Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah oo dhaqangal ah ugu magacaabay Maxamed Maxamuud Maxamed (PHD) inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tixgalinaya khibaraddiisa qotoda dheer ee aqooneed iyo middiisa maamul, ayaa u rajeeyay Dr. Maxamed Maxamuud inuu waajibaadkiisa u guto si xilkisnimo leh, isla markaana u guntado sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada socda ee lagu xoojinayo heerka tayada iyo hufnaanta tacliinta sare ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *