Halista cusub ee loo yaqaan ModStealer! Waxaa soo baxay virus cusub (malware) oo ku dhacay dhammaan noocyada kumbiyuutarrada iyo mobile-ka. Waxaa lagu faafiyay xayeysiisyo shaqo oo been ah, laakiin marka aad ku dhacdo wuxuu si toos ah u weeraraa:
• walletyadaada crypto
• Shahaadooyinka iyo sirta nidaamka
• Xogtaada gaarka ah
Wuxuu qaadan karaa private keys-kaaga, oo lamid ah inaad lumin karto dhamaan lacagtaada crypto.
DIGNIIN: Qof kasta oo crypto ku jira waa inuu aad u taxaddaraa. Ha furin links aanad hubin, ha rakibin barnaamijyo aan rasmi ahayn, hana gelin xog muhiim ah goob aanad kalsooni ku qabin. Adiga ma taqaanaa waxa dhici kara haddii private key-gaagu galo gacmo qaldan? Waxaa laga wadaa in qof kale uu ka qaato lacagtaada oo dhan, adiguna aadan dib u heli karin.
