Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlagallo Qorsheysan ka fuliyay deegaannada hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo wali lagu sii baacsanaayo haraadiga khawaariijtii lagu jebiyay degmadaas. Howlgalka Ciidanku ka sameeyeen dhulka Howdka ah ayaa lagu qabtay sedax dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijtii casharka loogu dhigay degmada Ceeldheer, kuwaas oo iyagoo firxad ah u tegay dadka shacabka ah ee ku sugan dhulka miyiga ah.




