Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey askarigii Sabanka ku dhuftay ee gubay gaarigii koowaad ee siday qaraxyadii ay Khawaarijtu ku soo weerartay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, iyadoo askartii kale ee sida geesinimada leh u dagaalantay loo balan-qaaday dalacsiin iyo abaalmarino kale. Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Maxamed Dhegaweyne iyo Taliyaha qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Korneyl Saahid Jaamac Jareere, ayaa goob fagaare ah abaal-marintaas lacageed ku guddoonsiiyay askarigii fashiliyay gaarigii koowaad ee qaraxa, kaas oo meel fog ku gubtay, isagoo aan geysan wax khasaare ah, kadib markii Dable Cabdi Cadaawe Nuur oo ka tirsan ururka 2-aad Ciidanka Gorgor uu la helay labo xabo oo RPG ah.



