Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Qaranka, haddana ah Ergayga Soomaaliya u qaabilsan Isbahaysiga IMCTC ee xulafada la dagaalanka argagixisada, Jeneraal Cabdiraxmaan Tuur Yare, iyo saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka, ayaa maanta gaaray magaalada Masagawaa ee bariga gobolka Galgaduud. Saraakiishan ayaa halkaas u tagay sare u qaadista howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, iyo dhiirrigelinta geesiyaasha Xoogga Dalka ee gurmadka ku soo gaaray degmada Ceeldheer. Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa geesiyaasha uga mahadceliyay gurmadka naf-hurnimada leh ee ay ku soo gaareen Ceeldheer, iyo sida ay qeyb muhiim ah uga qaateen dagaalkii lagu jabiyay cadowga. Geesiyaasha Xoogga Dalka oo kaashanaya Xaq u Dirirka deegaanka ayaa saddex maalmood ka hor jab culus ku gaarsiiyay Khawaarijta degmada Ceeldhee








