Booliska kenya ayaa baaritaan ku haya geerida haweeney Soomaali ah oo meydkeeda laga helay maalmo ka hor guest house ku yaalla xaafadda South B ee magaalada Nairobi. Haweeneyda geeriyootay oo lagu magacaabo Farxiyo Axmed, da’deeduna ahayd 35 sano jir, ayaa fiidkii dambe ku degtay Fuata Nyayo Guest House iyadoo la socota nin lagu aqoonsaday magaca Chelsea Mwangi, oo sidoo kale loo yaqaan Mcheche, sida lagu sheegay warbixin boolis oo laga diiwaangeliyey Saldhigga Booliska Mariguini. Mwangi ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa saaxiibkeed. Milkiilaha guest house-ka, Joyce Wangari, ayaa booliska u sheegtay in Mwangi bixiyey lacag dhan Ksh 400 si loogu kiraysto qolka. Subaxdii xigtay, waardiye ka shaqeeya goobta ayaa arkay albaabka qolka oo si yar u furnaa, wuxuuna maamulka ku wargeliyey. Markii la galay qolka, waxaa lagu arkay Farxiyo oo sariirta saaran, iyadoo dhiig ka qulqulayo afka iyo sanka. Booliska ayaa xaqiijiyey in meydka sidoo kale uu lahaa dhaawacyo madaxa ka muuqda. Waxaa goobta tegay dambi-baarayaasha Makadara DCI, saraakiil ka tirsan Saldhigga Booliska South B, iyo kooxda baarista dambiyada (Scenes of Crime) kuwaas oo ururiyey caddeymo. Meydka ayaa loo qaaday Nairobi Funeral Home (oo hore loogu yiqiin City Mortuary) halkaas oo baaritaan lagu sameyn doono. Dowladda ayaa bilowday baadigoob lagu qabanayo Mwangi, kaas oo goobta ka cararay isla markaana loo arko eedeysanaha ugu weyn. Baaritaannadu weli way socdaan si loo ogaado duruufaha sababay geerida Farxiyo. Waxaa soo baxay muuqaal hore oo muujinaya Mwangi iyo saaxiibtiisii geeriyootay Farxiyo Axmed, iyagoo aad u faraxsan oo u muuqday lammaane jacayl xooggan wadaaga. Tani waxay dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan waxa sababay in Mwangi lagu tuhmo inuu geystay falka foosha xun ee dilka. Xigasho
