Waxay ahayd goor barqo ah, oo ku beegnayd 11 nadii, sanadku wuxuu ahaa 1981, bishii july. Waxanu ka soo baxnay xarunta dhexe ee Jaamacada Umadda Somaaliyeed (Casa de Italia), ee ku tiilay shabeele oo aanu ku baranaynay af Talyaaniga
Waxaanu soo hor istaagnay xafiiskii Somali Airlines oo goobtaanu joogno ku dhawayd. Buuq badan ayaa ka jiray, waxa la hadal hayaa diyaaradii saaka Hargaysa u duushay, oo hawada ku burburtay.
Diyaarada oo ka duushay mogadishu kuna socotay Hargeysa. Pilotkii diyaarada AHN Duuliye Dhafuuje, markuu ka duulay gegeida diyaarada ee Xamar, ee uu cilad dareemay, ayuu degdeg dib u fadhiisiyay garoonkii Xamar ee ay ka duuleen.
Baadhis farsamo oo ay injineeradii diyaaraduhu sameeyeen, isla saacad gudaheed waxay pilotkii siiyeen «Go ahead» & in diyaaradu bad qabto, safarkiisiina halkii ka sii wato
Diyaaradii waxay daqiiqado ka bacdi ku burburtay hawada (Qaraxday), Hiilweyne, Balcad – Banaan weyn oo u dhow xeradii tababarka ee ciidanka kamaandowsta.
Goobta ay diyaaradu ku burburtay oo aad u argagax badnayd, ayaan gaadhay isla duhurkiiba.
Waxaan dadka ku qudh baxay ka mid ahaa, oo aan magac ahaan garanayay;
- AHN General Cumar Canjeex oo qoyskii gabadh yar mooyee intii kale ku geeriyootay shilka.
- AHN Kornayl Ina Cali Baranbaro (Taliyihii Nabad Sugida gobolka W. Galbeed)
- AHN Ganacsade Xaraf ( Mulkiilihii Hotel Xaraf km. 13 ee waddada Afgooye). AHN Xaraf isagoon booking haysan waxa booskiisii uga hadhay nin kale oo aan hediisu gelin.
- Gabadh aan ilaa yaraantaydii aqaanay, oo reer Jameeco weyn ahayd AHN Ina Afweyne . AHN Ina Afweyneoo iyana diyaarada kumay qornayn. Waxay ka codsatey Sahra Ibraahim Shiil, oo ay isku reer jameeco weyn ahaayeen, inay booskeeda uga hadho.

Shaqo wcan