Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo xiray kulan banbax ah oo xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa uga socday Guddiga Lasocodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Kulanka oo laba maalmood socday ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta dib-u-eegista iyo dhammaystirka dastuurka si cutubyada harsan loogu gudbiyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya islamarkaana uu uga guto waajibaadkiisa dastuuriga ah. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa bogaadiyey kuna ammaanay Guddiga Lasocodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka shaqada adag ay u hayaan qaranka. Kulanka banbax howleedka ah oo uu soo qaban qaabiyey Guddiga Madaxa-banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, ayaa waxaa ka qaybgalay guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, habdhowrka, guddoonnada Guddiyada Dib-u-eegista, xoghayeyaasha guud ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo sidoo kale Guddiga Lasocodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *