Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 173 muwaadiniin ah oo laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya.
Diyaaraddii sidday muwaadiniinta la soo celiyay ayaa Muqdisho keentay 151 qof, kuwaas oo u badan dhallinyaro. Waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee XFS, Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, masuuliyiin ka socday Xafiiska Madaxweynaha JFS, Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan soo-celinta muhaajiriinta iyo xuquuqda carruurta, Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub, iyo Hay’adda IOM oo dowladda ka gacan siisay soo celinta muwaadiniinta.
22 ka mid ah dadka la soo celiyay ayaa laga dejiyay magaalada Hargeysa, halka 151 qof laga soo dejiyay magaalada Muqdisho. Dhallinyaradii laga soo dejiyay Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa muujiyay farxadda ay u qabaan in ay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan, iyaga oo uga mahadceliyay dowladda dadaalka ay ku bixisay sidii looga soo saari lahaa xabsiyadii Liibiya ee ay dhibaatooyinka nololeed ku heysteen.




