Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa si rasmi ah usoo xiray tababar ay qaateen cutubyo ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee Galeyr oo qeyb ka ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Munaasabadda xiritaanka Tababarka Ciidanka waxaa kasoo qeyb-galay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard Riley , Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Dhuxulow , Masuuliyiin iyo Saraakiil katirsan Ciidanka Booliiska .
Taliye Asad ayaa Ciidamada u jeediyey dardaaran waxaana uu si gaar ah ugu Mahadceliyey Dawladda Maraykanka oo kaalin weyn ka qaadatay taageerada Ciidanka si ay qeyb uga noqdaan sugidda Amniga iyo ka qeyb-qaadashada Howlgalada gaarka ah oo loo carbiyey mudada ay Tababarka ku jireen.











