Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta…

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo Xareynta Dakhliga Dowladda ee ka soo xarooda adeegga Baasaboorka. Ujeeddada kulankan waxa ay ahayd xoojinta fahamka natiijooyinka qiimeynta, iftiiminta meelaha u baahan horumarinta, iyo dhiirrigelinta wada-shaqeyn joogto ah oo dhexmarta hay’adaha Dowladda, si loo hubiyo […]

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si uu ugu kuurgalo xaaladaha abaaraha ka jira dalka. Wafdigan waxaa qeyb ka ah hay’adaha gargaarka iyo ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha banii’aadanimada iyo isku-duwidda gargaarka. Wafdiga ayaa booqan doono xeryaha […]

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) ayaa maanta furtay Watashi Qaran

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) ayaa maanta furtay Watashi Qaran

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona muddo laba maalmood ah, si looga hadlo Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025-2030). Kulankan ayaa isugu keenay wakiillo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda iyo sidoo kale shirkadaha isgaarsiinta, si ay dib u eegis […]

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar. Wasiirka Wasaaradda Qoyska Danjire Marwo Khadija Maxamed Al-Makhzoumi oo casuumaad rasmi ah ka heshay dhigeeda wadanka aan walaalaha nahay ee dowladda Qatar ayaa maanta kulan rasmi ah la yeelatay Wasiiradda Wasaaradda […]

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa gabdho ka tirsan Ciidanka Booliska u soo xiray tababar

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa gabdho ka tirsan Ciidanka Booliska u soo xiray tababar

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa gabdho ka tirsan Ciidanka Booliska u soo xiray tababar ku saabsan habka loogu adeego Haweenka iyo Carruurta tacadiyada lagula kaco. Gabdhaha ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa waxay ka howlgeli doonaan Saldhigyada iyo goobaha muhiimka ah ee la geeyo kiisaska tacadiyada la xiriira.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Generaal Sahal Cabdullaahi Cumar

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Generaal Sahal Cabdullaahi Cumar.

Kadib markii Khawaarijta laga saaray Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaninayo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Generaal Sahal Cabdullaahi Cumar. Masuuliyiinta Taliyaha Socdaalkan ku wehlinayay waxaa ka qeyb ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdiqaadir Maxamed iyo Saraakiil ka tirsan […]

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga ee Dalalka Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Muqdisho 2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wejiga 1aad ee wadahadalladii ka socday magaalada Kismaayo ee lala yeeshay maamulka Dowlad 3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga ee […]

Sawirro: Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EACCON 2025) ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Sawirro: Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EACCON 2025) ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeyb-galayaan in ka badan 350 ergo oo ka kala socota dalalka ku mideysan Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga iyo horumarinta Aagga Wax-soosaarka ee dalalka xubnaha ka ah ururka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u daah-furay shirkan, […]

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso mashaariic waaweyn oo horumarineed oo wax weyn ka tari doona dhismaha wadooyinka iyo xal u helidda biyo-mareenada magaalada Muqdisho, kuwaas oo xilli roobaad kasta caqabad ku ahaa isku socodka shacabka. Wasiir Cilmi oo waraysi gaar […]

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO FURAY SHIRWEYNAHA LABAAD EE URUR GOBOLEEDKA ISKAASHIGA DHAQAALAHA BARIGA AFRIKA (EACON-2025)

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO FURAY SHIRWEYNAHA LABAAD EE URUR GOBOLEEDKA ISKAASHIGA DHAQAALAHA BARIGA AFRIKA (EACON-2025)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2-aad ay martigelinayso Caasimadda Muqdisho, kaas oo lagaga arrinaanayo isdhexgalka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee gobolka. Madaxweynaha ayaa muujiyey qiimaha ay Soomaaliya ugu fadhiso martigelinta shirka, isagoo tilmaamay in ay astaan u tahay kalsoonida iyo doorka […]