Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la horumariyo adeegyada garoonka Muqdisho ayaa maanta kormeer ku tagay qaybaha kala duwan ee garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle. Ra’iisul Wasaare Xamse, oo la hadlayay masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Maamulka garoonka ayaa […]

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro, oo ay wehlinayso ku xigeenkeeda arrimaha siyaasadda, Marwo Karin Gatt-Rutter. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan […]

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Saldhiga degmada Garasbaaleey, ayaa gacanta kusoo dhigay……

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Saldhiga degmada Garasbaaleey, ayaa gacanta kusoo dhigay

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Saldhiga degmada Garasbaaleey, ayaa gacanta kusoo dhigay afar dhalinyaro ah oo ku eedeeysan inay aflagaado iyo gef cad u geysteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Cumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid, Amin Maxamed Xasan, iyo Cabdisalaan Ceenaanshe Ibraahim. Muuqaallo ay ku baahiyeen barta TikTok ayaa lagu arkay iyagoo […]

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,Saldhiga degmada Hodan ayaa gacanta ku soo dhigay afar (4)

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,Saldhiga degmada Hodan ayaa gacanta ku soo dhigay afar (4)

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,Saldhiga degmada Hodan ayaa gacanta ku soo dhigay afar (4) dhalinyaro ah oo ku eedaysan falal khatar gelinaya amniga waddooyinka iyo badqabka bulshada. Eedeysanayaasha waxaa lagu kala magacaabaa: C/Risaaq Maxamed Faarax, Najiib C/llaahi Mire, Feysal Cismaan Maxamed, iyo C/maalik Maxamuud Daahir. Waxay muuqaallo halis ku ah naftooda iyo tan bulshada ku baahiyeen barta […]

Xafiiska Amniga Qaranka oo Muqdisho Ku Qabtay Kulanka Ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah

Xafiiska Amniga Qaranka oo Muqdisho Ku Qabtay Kulanka Ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah

MUQDISHO, 15 Sebtembar 2025:qabtay kulanka ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah (C-IED). Waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, La-taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, saraakiil ka socday Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska, iyo Nabad-sugida Qaranka, iyo xubno ka socday wasaaradaha shaqada ku […]

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KU SOO BANDHIGAY SHIRKA ISLAAMKA-CARABTA MOWQIFKA SOOMAALIYA EE KA DHAN AH XADGUDUBYADA YUHUUDDA EE DALALKA CARABTA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KU SOO BANDHIGAY SHIRKA ISLAAMKA-CARABTA MOWQIFKA SOOMAALIYA EE KA DHAN AH XADGUDUBYADA YUHUUDDA EE DALALKA CARABTA

Dooxa, Sebteembar 15, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar kaas oo looga hadlayey weerarkii Israa’iil ay ku qaaday dalkaas. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u barbar taagan tahay dowladda […]

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey askarigii Sabanka ku dhuftay ee gubay gaarigii koowaad

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey askarigii Sabanka ku dhuftay ee gubay gaarigii koowaad

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa $2,000 oo dollar ku abaal-mariyey askarigii Sabanka ku dhuftay ee gubay gaarigii koowaad ee siday qaraxyadii ay Khawaarijtu ku soo weerartay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, iyadoo askartii kale ee sida geesinimada leh u dagaalantay loo balan-qaaday dalacsiin iyo abaalmarino kale. Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl […]

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlagallo Qorsheysan ka fuliyay deegaannada hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo wali lagu sii baacsanaayo haraadiga khawaariijtii lagu jebiyay degmadaas. Howlgalka Ciidanku ka sameeyeen dhulka Howdka ah ayaa lagu qabtay sedax […]

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Richard H. Riley oo ay wehliyaan kuxigeenkiisa Justin Davis iyo Matthew Younger oo ah Madaxa Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xoojinta […]