Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada deegaanka ayaa subaxnimadii maanta ka hortagay weerar ay kooxda argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud. Ciidanku waxay jab culus gaarsiiyeen cadawga, iyagoo dilay in ka badan 30 xubnood oo Khawaarij ah. Sidoo kale, gacanta ayaa lagu soo dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka. Intii lagu guda jiray dagaalka, 6 askari oo ka tirsan geesiyaasha CXDS ayaa shahiiday, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen iyagoo difaacaya shacabka iyo qaranka. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hadda ku howlan howlgallo qorshaysan oo lagu baacsanayo firxadkii Khawaarijta, si loo ciribtirto kooxaha ku dhuumaaleysanaya nawaaxiga degmada Ceeldheer. Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa geesinimada iyo naf-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo si joogto ah ugu taagan difaaca qaranka iyo ciribtirka Khawaarijta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *