Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka qaybgalay xaflad sagootin ah oo si heer sare ah loosoo agaasimay taas oo loo sameeyay arday Soomaaliyeed ee ku guuleysatay deeq waxbarasho oo ay ka heleen dalka Japan.

Ardaydaydon ayaa baran doonto Waxbarashada kala duwan ee lagu barto jaamacadaha dalka Japan. Ardeydaan ayaa marka ay soo dhameystaan waxbarashooda ayaa la filayaa jnay kusoo laabtaan dalka Soomaaliya si ay kaalin muq ah uga qataan dhismaha ito horumarka dalka iyo dadka Soomaalida.

Danjire Jabril ayaa ardayda Soomaalida ah kula dardaarmay inay ixtiraamaan sharciyada dalka ay tagi doonaan, isla markaasna ay noqdaan safiiro sawir wanaagsan ka bixiya Soomaaliya.

Deeqdaan JICA waa mid sanadle ah, sida uu ka dhawaajiyay Danjiraha Soomaaliya waxaa la qorshaynayaa in kor loo qaado tirade Soomaalida ka faaiidaysanaysa deeqdaan, sida badan tirade Soomaalida ka qaybgasha aad ayay u yartahay, waxaana sabab u ah sida la sheegay inay ardayda Soomaalidu hanaanka codsi gudbinta iyo buuxinta sharuudaha layska rabo aysan si fiican uga jawaabin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *