Soomaaliya waxay diidday qodobo ka tirsan Axdiga Xaquuqda Carruurta Afrika oo ka hor imaanaya Diinteena suuban.
(Q 9aad) Xorriyad Diineed oo Ilmuhu Yeesho: Carruurteenu waa Muslimiin.
(Q 10aad) Ilaalinta Nolosha Gaarka ah ee caruurta: Waa Faragelin Mas’uuliyadda Waalidka. Waalidka ayaa masuul ka ah ilmihiisa.
(Q 21aa) Mamnuucidda Guurka iyo Alkummidda Gabdhaha Ka Yar 18 sano: Sida ay Diinteena qabto waxey ku xirantahay Qaangaarka Ayadoon Loo Fiirin Da’da.
(Q 24aad) Korsasho Ilmo Aadan Dhalin (Adoption) oo Beddelaysa Abtiriska (Q24): Diinteenu waxay banneysay Kafaalada.
(Q 2aad) In da’da lagu xiro 18 sano: Diinteenu waxay aqoonsan tahay qaangaarka ee ma aqoonsana da’ go’an.


