Garoonka Aadan Cadde iyo Xildhibaan feer kala daalay mid ka mid ah howladeennada shirkadda Favori!
Xildhibaan Maxamed Cumar Nastaro oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJ oo saakay garoonka Aadan Cadde ka sagootinayay dad rakaab ah oo safar ah ayaa u gacan qaaday mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda Favori ee maamusha garoonka Aadan Cadde.
Gacan qaadka xildhibaanka ayaa yimid kadib markii howlwadeen Cabdinaasir Gelle uu ku wargeliyay xildhibaanka in uusan isaga oo aan safar ahayn u gudbi karin Gate-ka laga baxaayo oo ay halkaas keliya u gudbi karaan dadka safarka ah si loogu sameeyo hubinta ugu danbeysa.
Xildhibaan Naastaro oo arrintaas ka biyo diiday ayaa gacan qaad ku sameeyay howlwadeenka oo hadda dhibane ah waxa uuna xalkii hadalka ahaa ka doorbiday in uu adeegsado awooddiisa jir ahaaneed oo feer ayuu la dhacay Cabdinaasir Geelle.
Hadda xildhibaanka iyo howlwadeen kaba labadooda waa dhaawac oo mid walba waxaa soo gaaray dhibaato aad u xooggan laamaha amaanka ee Dowladda oo goobta ka ag dhawaa ayaana soo kala dhexgalay oo markii danbe labada dagaalame ka kaxeeyay gudaha garoonka Aadan Cadde.
Shirkadda Favori oo qoraal rasmi ah kasoo saartay dhacdadaan ayaana sheegtay in uu gacan qaadka xildhibaanka sababay in la jajabiyo dhaladii guud ahaan ku xirneed Gate 2, sidoo kale xildhibaanka iyo howladeenkana uu mid walba gaaray dhaawac sababay in uu mid walba dhiig fara badan ka yimaado.
Sawirrada oo aan halkaan idin kugula wadaagi karin waxaan idin kugu soo gudbinayaa qaybta koowaad ee aragtida.