Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod buuxa ku ansixiyey qaraar ku saabsan gunaanadka xilka Xeeldheeraha Madaxbannaan ee Xaaladda Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo si rasmi ah loo soo afjari doono dhammaadka bisha Oktoobar 2025. Go’aankan ayaa qayb ka ah Qorshaha Kala-guurka Xuquuqul Insaanka (2025–2026), kaas oo Soomaaliya ay ku qaadanayso mas’uuliyadda kormeerka iyo u kuurgelidda xuquuqul insaanka, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo dastuurka dalka. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xarriiqay in muhiimad gaar ah la siinayo dhameystirka iyo howlgelinta Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (NIHRC). Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in talaabadani ay muujineyso diyaar-garow dowladeed iyo mas’uuliyad qaran oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqul insaanka, loogana gudbayo hababkii ku-meelgaarka ahaa ee caalamiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *