Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha waddada Daarusalaam wajigeeda labaad oo si casri ah loo dhisay.

Munaasabad kooban oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada ayuu Guddoomiyaha Gobolka xarigga uga jaray dhismaha waddadan cusub oo dhererkeedu gaarayo 4km.

Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam, Mire Salaad Dhuxuloow oo ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir munaasbada ayaa uga mahadceliyay maamulka gobolka dadaalka horumarineed ee ka socda degmada, isagoo xusay in waddadani ay muhiim u tahay isku xirka xaafadaha cusub iyo fududeynta isu socodka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in mashaariicda noocaan ah ay qeyb ka yihiin qorshaha maamulka ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-habeynta magaalooyinka iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *