Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Isku-duwidda Gargaar Bani’aadanimo ee Soomaaliya, Mr. Georg Conway, ayaa maanta shirkii billaha ahaa ku yeeshay xarunta dhexe ee SoDMA ee magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray diyaargarowga xaaladaha degdegga ah, gaar ahaan haddii roobabka Deyrta ay yaraadaan, taas oo sababi karta abaaro saameeya bulshada nugul. Sidoo kale, waxaa looga hadlay sidii dhaqaale wadajir ah loogu heli lahaa gudaha iyo dibadda, si wax looga qabto xaaladaha degdegga ah. Kulanka ayaa lagu xusay in dhawaan la aas-aasay Sanduuqa Qaranka ee Dhaqaalaha Bani’aadanimo, oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya maamusho, si loo fududeeyo taageerada dadka u baahan iyo jawaabta degdegga ah ee masiibooyinka. Labada dhinac ayaa isku raacay in mudnaanta la siiyo dadka ugu nugul masiibooyinka, isla markaana la adkeeyo iskaashiga dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, si gargaarka bani’aadanimo uu u gaaro meel kasta oo looga baahan yahay, si hufan, cadaalad ah, iyo waqti ku habboon.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *