Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), oo kaashaneysa Jaamacadda Banaadir, ayaa maanta qabatay madal dadweyne oo lagu magacaabay “Aragtida Dhalinyarada iyo Aqoonsiga Qaranka.”
Madasha waxaa si rasmi ah u furay Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdirahman Siciid Axmed, iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Prof. Maxamed Maxamuud Xasan “Biday.”
Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee NIRA ayaa sheegay in Aqoonsiga Qaranku uu lagama-maarmaan u yahay helitaanka adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, bangiyada iyo adeegyada kale. Waxa uu sidoo kale xusay in ardayda jaamacadaha iyo dhallinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay door muuqda ka qaataan wacyigelinta iyo diiwaangelinta shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ayaa xusay in jaamacaddu ay ahayd tii ugu horreysay ee Hay’adda NIRA ka hirgeliso xarun diiwaangelin, isaga oo ardayda kula dardaarmay inay ka qayb qaataan wacyigelinta dadweynaha si loo gaaro yoolka ah in dhammaan shacabka Soomaaliyeed la diiwaangeliyo. Ugu dambeyn, madasha waxaa lagu soo afmeeray dood furan oo ay ardaydu si toos ah su’aalo ugu weydiiyeen wakiillada NIRA, iyagoo taabtay mawaadiic kala duwan oo la xiriira diiwaangelinta, ilaalinta xogta iyo mustaqbalka casriyeynta Aqoonsiga Qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *