Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa martigelisay booqasho socotay laba maalmood (30ka Sebteembar – 1da Oktoobar 2025), taas oo wafdi ka socday Dowladda Ingiriiska ay ku yimaadeen qiimeyn iyo wadashaqeyn lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac. Booqashadan waxa ay daba socotay safarkii hore ee wafdiga HSJ ay bishii Luulyo 2025 ku tageen dalka Ingiriiska, halkaas oo lagu falanqeeyay sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga labada dal ee dhanka socdaalka iyo maamulka sugida amniga xuduudaha. Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafa Dhuxulow ayaa ka hadlay isbeddelka wax ku oolka ah ee Hay’addu ku samaysay hannaanka maamulka socdaalka iyo sugida amniga xuduudaha, isaga oo tilmaamay in xoojinta iskaashiga caalamiga ah ay si gaar ah u xaqiijinayso ballaarinta awoodda hay’adda ee ilaalinta xuduudaha dalka, ayna suurtagelinayso ka hortagga socdaalka sharci darrada ah iyo la dagaalanka dambiyada abaabulan. Agaasimaha Guud ayaa si gaar ah ka mahadceliyay taageerada iyo wada shaqaynta Dowladda Ingiriiska. Dhanka kale, wafdiga Dowladda Ingiriiska ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka casriyeynta nidaamka socdaalka, tababarka iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo maaraynta xuduudaha. Barnaamijka Qiimaynta maaraynta Socdaalka iyo Sugida amniga xuduudaha waxa uu diirada saaray: 1-Qiimaynta hannaanka shaqo ee Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde (terminal-ada caalamiga iyo kuwa gudaha) iyo Terminal-ka VIP 2- Qiimaynta wada shaqaynta iyo Isla-falgalka Hay’adaha dowladda ee ka wada howlgala Maaraynta iyo Sugida amniga Xuduudaha. Booqashadan qiimaynta ah ayaa lagu soo gabagabeeyay kulan la isku raacay tallaabooyinka xiga ee lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Ingiriiska ee dhinaca socdaalka iyo maamulka xuduudaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *