Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka bahalnimo iyo jirdilka loo gaystay maanta muwaadiiniinta Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo shaatiga dowladda gaar ahaan falalka foosha xun ee ka dhacay Suuqa Siinay, kaas oo aan marnaba la aqbali-karin, kana fog bini’aadanimada iyo karaamada muwaadinka. Beegsiga sida gaarka ah loola eegtay waayeelka ka hadlay xuquuqdiisa, gaar ahaan tacadiyadda ka dhashay barakicinta danyarta waa fal dambiyeed, waxaana ciidanka ammaanka uga digaynaa qaadashada amarro qaldan oo shacabka looga horkeenayo. Masuuliyadda xadgudubyadda ka dhanka ah bulshada caasimadda waxaa si toos ah u qaadanaya madaxda sarre ee laanta fulinta dowladda Federaalka ah oo iyagu ka baxay xayndaabka sharciga ah ee illaalinta badqabka bulshada iyo illaalinta haybadda dowladnimadda
