Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubaland. Inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo, Madaxweynaha wuxuu sii wadi doonaa wadatashiyada ku aadan geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka. Safarka Madaxweynaha wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jiraan adkeynta midnimada dalka, kor u qaadidda isfahamka iyo mideynta aragtiyada ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *