Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehelinayaan ergada Soomaaliya, ayaa ka qeybgalay Meertada 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa Golaha ka jeedin doona khudbad ku saabsan xaaladda dalka, isagoo soo bandhigi doona guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib-u-habaynta dhaqaalaha, dowlad-dhiska, iyo hirgelinta doorashooyinka tooska ah.




