Waxaa laga yabaa in dad badani ku jahwareersan yihiin safarka Madaxweynah ee Kismaayo iyo sidoo kale natiijada ka dhalan karta. Balse layaab kugu noqon mayso haddii aad seddaxdii sano iyo barkii tagtay si dhow ula socotay sooyaalkii siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh.
Kala qaybi oo u tali
Madaxweyne Xasan markii uu xilka ku soo laabtay wuxuu dhinac iska dhigay hawshii waynayd ee aragtida, istiraatiijiyada, qorshaha iyo dhabar-adayga dawlad-dhiska u baahnayd, wuxuuna ka doorbiday taaktiko ku dhisan kala qaybi oo u tali, taas oo uu kula dhaqmay saaxiib, mucaarad, mid la jaal ah iyo mid ka fogb intaba, Wuxuu kaloo go’aansaday in aan la saadaalin karin waxa ka suurooba, si aysanba u dhicin qof kalsooni ka haysta oo isku hallayn kara. Waxaa intaa u dheeraa in hawl kasta, heerka ay doonto ha noqotee, uu isagu halkeeda ugu hooseeya maamulo.
Wuxuu iska dhaadhiciyey in sidaasi ay tahay furaha ugu sahlan ee uu talada ku haysan karo. Waxaa laga yaabaa in ay muddo u shaqaysay, waase hubaal ah in aysan noqon karin istiraatiijiyad waarta.
Maadaama aysan jirin cid Madaxweynaha saadaalin karta tallaabadiisa labaad, waxaa ka dhalatay in uusan jirin qof isku hallayn kara, ama saaxibtinimo iyo isbahaysi taabbagal ah la geli karta, gudo iyo debad, Soomaali iyo Shisheeye intaba.
Intii uu is lahaa dadka ka caqli badi, maalintaana ku mood, ayuu dhaawacay kalsoonidii isaga iyo dawladda Soomaaliyeedba lagu qabay.
Hantida ugu muhiimsan ee hoggaamiye uu helaa waa kalsooni iyo aaminaad. Madaxweyne XSM waxa raasamaalkan muddada dheer hayn karey uu ku doorsaday dheef maalinle ah. Kalsoonidii lagu aamini lahaa waxa uu dilay markii uu si kasta u muujiyay in eraygiisuba uu le’eg yahay wixii hadba markaas ku soo dhaca, iyo danta markaas u muuqata.
Hawo Shakhsi ah
Awoodda dawladeed waxa lagu dhisaa hay’ado xooggan oo aan la shakhsiyadaynin. Madaxweyne XSM mabda’aas wuu xooray, oo dawladdiiba waxa uu u qaatay in ay tahay badeecad uu qof ahaan u leeyahay ee aanay ahayn dan dawladnimada loogu adeegayo.
Jagooyinkii muhiimka ahaa ee siyaasadda, hay’adaha ammaanka, maaliyadda, iyo diblomaasiyadda loo ma eego mutaysi, ee waxa la isugu abaalgudaa hadba sida isaga daacadda loogu yahay.
Tani ma aha dhaqan qof dawladimo doon ah oo dhisaya hay’ado dawladeed oo tabargal ah, mana aha kelitaliye fiiro dheer oo sii dhisanaya mishiin siyaasadeed oo cimrigiisa siyaasadeed raajiya.
Xil iyo xoolo bixintiisu ku ma salaysna falsafad is haysata, oo u adeegaysa himilo weyn iyo qorshe cad oo dawladnimada hanaqaad ka dhigi kara midna. Hannaankani waxa uu shabbahaa hantiile batrooni ah oo xoolihiisa ku bixiya qofkii amaana ama u rucleeya, marka ay hantidu ka dhammaatana laga kala dareero, kolkaana uu ku waabariisto in awooddiisuba ay gunta ka haawanaysay jidmarna ahayd.
Haddii hawo shakhsi ah lagu socon, aaway xeer ilaalintii danbiga ku soo oogtay Axmad-Madoobe, aawayse Maxkamaddii waaranka u jartay, aaway go’aannadii Golaha Xukuumadda ka soo baxay ee argagexiso la shaqaysi ku eedaysay, aaway kumanaankii wiil ee Raskambooni lagu halligay? Aaway, aaway?
Qab masaajayn
Guuldarraysigan istiraatajiyadeed waxa ku lammaan dhinac shakhsiyadeed oo walaac leh. Waxa ay u muuqataaba in waxan Madaxweynaha ka dhigaya lamafilaanku aanu ahayn xisaab ka xumaatay e, uu yahay gedgeddoon caaddifadeed iyo hadba sida uu dareekiisa ama dooqiisu yahay. Dawladnimadii Soomaaliyeed waxay hoos joogtaa dareenka caaddifadeed iyo falcelinta qof kaligii ah.
Tani waxay keentay in dadka aadka ugu dhow Madaxweynaha ay siiyaan warbixino xaqiiqada ka fog, huwiyaanna amaan sii quudinaysa sawirka wayn ee uu naftiisa ka haysto. Iska-badbadashadaas iyo qab masaajayntu waxay ka dabooshay waayaha qallafsan iyo xaqiiqooyinka jira. Dabadeed halkaa waxa ka dhashay saaxad siyaasadeed oo nacab iyo nasteex aan la kala saari karin, oo kartileyda iyo kartilaawuhu isku mid yihiin. Go’aannada lagu ma saleeyo danta qaranka, ee waxa lagu beegaa rabitaanka iyo hawada Madaxweynaha ee
