Ra’iisul wasaaraha cusub ee ku-meelgaarka ah ee Nepal, Sushila Karki, ayaa ku baaqday in ay shacabka isu yimaadaan si loo dhiso dal nabad iyo caddaalad ku dhisan, kadib rabshado xooggan oo ka dhashay eedeymo musuqmaasuq oo ay ku nafwaayeen dad badan, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen. Karki, oo 73 jir ah isla markaana horey u soo noqotay guddoomiyaha maxkamadda sare, ayaa maanta khudbadeedii ugu horreysay tan iyo markii ay xilka la wareegtay ku sheegtay in Nepal u baahan tahay in ay maqasho codka dhalinyarada. “Waa inaan u shaqeynaa si waafaqsan fikirka jiilka Gen Z. Waxay dalbanayaan in musuqmaasuqa la joojiyo, maamulka wanaagsanna la xaqiijiyo, si loo helo sinnaanta dhaqaale,” ayay tiri Karki. Hoggaan ka yimid “waddooyinka” Karki ayaa sheegtay inaysan rabin xilka balse magacaabisteedu ay ku timid cadaadis shacabka ka yimid. Waxaa loo magacaabay ra’iisul wasaare ku-meelgaar ah kadib wadahadallo socday maalmihii la soo dhaafay oo dhex maray hoggaamiyeyaasha mudaaharaadayaasha, madaxweyne Ramchandra Paudel, iyo taliyaha ciidanka Ashok Raj Sigdel. Madaxweyne Paudel ayaa Jimcihii ku dhawaaqay magacaabista Karki, isagoo sheegay in baarlamaankii la kala diray doorashadana loo asteeyay 5-ta Maarso 2026. “Waxaan xilka sii hayn doonaa ugu badnaan lix bilood. Mas’uuliyadeydana waan dhammeystiran doonaa, kadibna xilka waxaan ku wareejin doonnaa baarlamaanka iyo wasiirrada cusub,” ayay raacisay Karki. Sooyaalka waddanka Nepal Sushila Karki ayaa noqonaysa Raysal wasaarihii ugu horreeyay ee dumar ah, waliba ayidoo ku timid rabitaanka dhallinyaradii riday dowladdii waddankaas, halkaasna waxaa ka muuqanaysa in ay si wanaagsan u maamushay maxkamadda ssre ee waddankaas, waqtigii ay guddoomiyaha ka ahayd
