Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay wafdi sare oo ka socda Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo Dalka u yimid hirgelinta mashruuc weyn oo lagu taageerayo Manhajka waxbarashada Dalka iyo horumarinta Afka Carabiga. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Ururka Jaamacadda Carabta, taageeradooda ku aaddan dhinacyada Diblomaasiyadda, waxbarashada, dowlad-dhiska, doorka ay ka qaateen dayn cafinta iyo dhaqaalaha Dalka. Xubnaha ka socday Ururka Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, Mudane Zayd Al-sabbaan, ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda Soomaaliya iyo horumarka ay gaartay, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista iskaashiga iyo horumarka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo wada-shaqeynta.





