Safiirka Soomaaliya ee dalka Australia, Danjire Khadra Axmed Ducaale, ayaa waraaqaheeda aqoonsiga u gudbisay Madaxweynaha dalkaas, Mudane Alexander Van der Bellen, oo ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo. Danjire Khadra Axmed Ducaale iyo Madaxweyne Alexander Van der Bellen, ayaa ka wada hadlay muhiimadda uu leeyahay xiriirka Soomaaliya iyo Australia iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac.
Danjire Khadra Axmed Ducaale, ayaa isku ah Safiirka Soomaaliya u fadhisa Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka Soomaaliya u qaabilsan hay’adda Quwadda Atoomikada Adduunka (IAEA).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *