Dhismaha quruxda badan waxa uu ahaa xaruntii ugu horeesay ee sharci dajinta dalka waxa uu ahaa goob ay shacabka soomaliyeed ku arkaan astaanta qaranimada,iyadoo lagu soo saari jiray sharciyada iyo go’aanada ugu waaween ee dalka dhismaha waxa lagu dhisay qaab dhismeed casri ah oo xilligiisa ku haboonaa, waxuuna ku dheehnaa muuqaal bilic leh oo dhir iyo geedo cagaaran hareereeyeen waxa uu sidoo kale ku taagnaa taallo dheer oo calamad u aheed sharaf iyo karaamo qaran
DALKA soomaaliya waxa uu leeyahay taariikh dheer oo ku dhisan HALGAN dowlanimo iyo dhaxal dhaqan oo qoto dheer, mid ka mid ah calaamadaha ugu muhiimsanaa ee ka tarjumayay dowladnimda soomaaliyed ayaa dhismaha barlamaankii hore ee SOOMAALIYA oo ku yaalla magalada muqdisho
Nasiib darro dagaaladii sokeyey iyo burburkii dalka ka dhacay dabayaaqadii 1990-meeyadii aya dhulka la simay quruxdii iyo karaamdii dhismahan wax ka haray kaliya darbiyo burbursan iyo tallo gubatay oo marag u ah sida dagaalka iyo isqabqabsiga siyaasadeed u saameeyeen hantidii qaranka goobtii aheed xarun sharci oo qaran aya maanta u muuqata burbur iyo dhaxal xanuun badan
Halka uu maanta taagan yahay burburka dhismaha baarlamaanka hore waa xasuus qadhaadh oo ku boorineesa jiilka cusub in ay ka shaqeeyaan dib u dhiska dalka iyo ilaalinta hantida qaran SOOMAALIYA waxay u baahantahay hogaan daacad ah iyo umad mideesan oo dhaxal ahaan u ilaalisa astaamha qaran ee soomaray taariikhda
