Shirkan oo ay ka qeyb-galayaan in ka badan 350 ergo oo ka kala socota dalalka ku mideysan Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga iyo horumarinta Aagga Wax-soosaarka ee dalalka xubnaha ka ah ururka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u daah-furay shirkan, isagoo muujiyay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga wadamada ku bahoobay ururkan. Madaxda Qaranka, wasiirro, iyo wufuud caalami ah ayaa sidoo kale ka qeyb-galaya shirkan muhiimka ah oo ah fursad lagu xoojinayo ganacsiga, maalgeshiga iyo xiriirka dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah ururka..





































