Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid” oo Kulan la Qaatay Odayaasha Deegaanka Bariire Shabeellaha Hoose – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid”, ayaa kulan la qaatay odayaasha deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo dhawaan laga saaray Khawaarijta. Taliyaha ayaa odayaasha kala hadlay xaaladda deegaanka iyo nolosha ka jirta kadib markii laga xoreeyay cadowga, kuwaas oo burburiyeen wax kasta oo faa’iido u lahaa bulshada deegaanka, sida buundooyinka, guryaha, masaajidda iyo goobihii kale ee kaabaya nolol maalmeedka bulshada. Arrintaasi waxay muujisay sida cadawgu ugu hagardaamay shacabka deegaanka. Taliyaha ayaa odayaasha u ballan qaaday in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu kaalin muuqata ka qaadan doono caawinta dadka deegaanka, gaar ahaan dhismaha buundooyinka iyo goobaha danta guud, si noloshii hore ee deegaanka dib loogu soo celiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *