Waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Kinshasa ee dalka DRC Congo wafdi Ganacsato Soomaaliyeed. Wafdigaan Ganacsato waxaa hogaaminayay Danjiraha dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle.
Safarka Ganacsatada ayaa daba socdo kulamo mudo sanad ah u socday Safaaradda dalka DRC Congo ay ku leedahay dalka Kenya iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya iyaga oo kaalmeysanaya Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya
Ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliyeed ayaa ku sii baahaya guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga, Bartamaha iyo Koonfurta qaaradda Africa.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka Ganacsata dalka DRC Congo ayaa intooda badan ganacsigooda waxa uu si toosa ugu xiran yahay dalka Kenya sida shidaalka, Gawaarida isaga gooshta dalka Congo, Kenya.
Hadaba Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya iyo safaarada dalka DRC Congo ee dalka Kenya ayaa si wada jira u soo qaban-qaabiyay safarkaan isugu jira xog-wareeysi, fududeynta ganacsiga dadka Soomaalida iyo dhiirigalinta fursadaha ganacsi oo ay ka faa’iidi karaan ganacsatada Soomaaliyeed.
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa horay ugu guulaysatay inay xabsiga ka soo deyso Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka DRC Congo.
Waxa ay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan Ganacsatada Soomaaliyeed ee haatan ka ganacsada dalka DRC Congo, iyaga diiradda lagu saarayo caqabadaha haysta gabacsatada iyo sidii wax looga qaban lahaa








