Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona muddo laba maalmood ah, si looga hadlo Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025-2030). Kulankan ayaa isugu keenay wakiillo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda iyo sidoo kale shirkadaha isgaarsiinta, si ay dib u eegis iyo turxaan bixin u sameeyaan khariidadda dhijitaalka ah ee dalka oo lagu horumarinayo koboc loo dhan yahay, hal-abuurnimo iyo adeegyo casri ah. Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka Wadatashiga, ayaa sheegay in istaraatiijiyadda ay tahay calaamad muujinaysa tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo horumar dhijitaal oo waara, taasoo muujinaysa sida dalkeennu uga go’an tahay dhismaha nidaam dhijitaal ah oo adkeysi leh oo loo dhan yahay, Wuxuu sidoo kale xoojiyay muhiimadda iskaashi xooggan oo dhex-mara dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bah-wadaagta horumarka si loo hirgeliyo loona sii wado waaritaankiisa. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS Mudane Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) ayaa tilmaamay in Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ay noqon doonto hagaha guud ee mideynaya dhammaan hindisayaasha la xiriira ICT-da ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka, Wuxuu xusay sida ay dowladda uga go’an tahay isku-duwidda siyaasadaha, maalgelinta kaabayaasha dhijitaalka ah iyo horumarinta awoodda shaqaalaha si loo dardargeliyo adeeg bixinta iyo kobaca dhaqaalaha. Inta lagu guda jiro labada maalmood ee wada-tashigu socdo, ka-qaybgalayaashu waxay ka doodi doonaan aragtida dhijitaalka ee Soomaaliya, tiirarka istaraatiijiyadda iyo qorshaha hirgelinta, iyagoo xoogga saaraya qaab-dhismeedka maamul, hababka maalgelinta iyo waafaqsanaanta istaraatiijiyadeed ee Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC).








