Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (WQM&HDH) ayaa maanta magaalada Muqdisho ku martigelisay Kulanka Maamulka Sanduuqa Wadajirka Soomaaliya (SJF). Kulanka waxaa si wadajir ah u guddoomiyay Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Mudane George Conway, Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Arrimaha Horumarinta iyo Banii’aadanimada ee Soomaaliya. Intii uu kulanku socday, waxaa lagu falanqeeyay xaaladda maaliyadeed ee sanduuqa iyo saadaalaha mustaqbalka, iyadoo la adkeeyay dardargelinta barnaamijyada muhiimka ah sida Dib-u-eegista Dastuurka iyo Barnaamijka Taageerada Dowlad-dhisidda iyo Dib-u-heshiisiinta (SPSP). Sidoo kale, waxaa la isla gartay in barnaamijyada iyo mashaariicda cusub si buuxda loo waafajiyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), si loo hubiyo in maalgelintu si toos ah uga qeyb qaadato horumar waara oo dalka laga hirgeliyo. Mid ka mid ah qodobadii soo jiitay ka qaybgalayaasha ayaa ahaa soo bandhigidda shaashad casri ah oo lagu maamulo dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee SJF, taas oo kor u qaadaysa hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo wadaagista xogta ee u dhexeeya dowladda iyo bahwadaagta horumarineed. Kulanka waxaa ka soo qeyb galay madax sare oo ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Wasaaradda Maaliyadda, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, iyo saaxiibada horumarineed ee Sweden iyo Netherlands. Kulankani wuxuu muujinayaa sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagta horumarineed ugu mideysan yihiin kor u qaadista hufnaanta iyo waxtarka maareynta kheyraadka horumarineed, taas oo taageeraysa hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) iyo horumar waara oo loo dhan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *