Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Mudane Kamal Mouli, Madaxweynaha Golaha Dib-u-cusbooneysiinta Dhaqaalaha Aljeeriya (CREA), oo ka mid ah ganacsatada ugu saameynta badan dalka Aljeeriya.
Wadahadalka ayaa qabsoomay intii uu socday shirka Carwada Dhexe ee Ganacsiga Afrika (IATF 2025), waxaana diiradda lagu saaray dhisidda iskaashi dhaqaale oo xooggan iyo sahaminta fursado cusub oo dhanka maalgelinta iyo ganacsiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Kulankan, oo uu goobjoog ka ahaa Safiirka DFS u fadhiya dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa muujinaya sida Soomaaliya uga go’an tahay la-tacaamulidda hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha ee saameynta ku leh qaaradda Afrika, isla markaana qeyb ka noqoshada dadaallada mudnaanta leh ee kor loogu qaadayo kobaca dhaqaalaha gobolka.

