BISMILLAAHI:
Waxaan dhageeystay oo aan fiirsaday si miir leh Muuqaal gabadhaan ay iska Soo duubtay oo ay leedahay waxaa dhibaato ii geeystay Ciidanka Amniga Ee NİSA anigoo kasii gudbaa jagboontiga KM4 dhanka Ariport-ka.
F:G Waxaan idin Ka Codsanayaa in la ii Cudur daaro hadii aad si kale ii fahantiin ama abaayo u fahanto Maqaalkeyga aan halkaan kusoo baahiyay.
Hadalkeeda waxaa kujira waxaa naga horyimid Babuur waday dad Ajaanib ah oo Kolonyo ah waxeey nooga hor yimaadeen afka hore ee dhagaxa looga dhammaado waxeeyna nagu dhaheen gadaal u laabta.
1: Babuur Kolonyo ah Macquul maahan ineey iyagu laabtaan oo ay laamiga geesaha Ka istaagaan waxaana fudud markasta Babuurka kaligiis ah waayo Kolonyo ka kooban 6 ilaa 10 Macquul maahan ineey Gadaal u laabtaan.
2: Ciidanka Amnigu waxeey masuul Ka yihiin Bulshada Soomaaliyeed iyo dadka ay markaas iyagu wadaan.
tusaale dadka Martida ah oo ay wadeen iyagaa masuul Ka ah Muwaadiniintana iyagaa masuul Ka ah lkn wax weeyn maahan in askartu ku tiraahdo Gadaal u laabo waxaan Nahay Kolonyo marti ayaan wada waliba si Sharaf leh ayaa laguugu sheegay.
3: dunida lagama yaqaano hebal waa caan iyo hebal waa caan caanka iyo midka aan caanka aheeyn waxeey raacaan sharciga, Waajibaadka askariga markaas shaqada wata, waajibaadka bad-qabka muwaadinka iyo Ajaanibka martid ah.
4: 100% Argtideyda Somalia Caanimada si qaldan ayeey u Fahmeen Waxaad arkeeysaa Wiil yar oo TikTok Ka Niikiya oo 10 Askari ilaalo u tahay, waxaad arkeeysaa Gabar 400K Followers ah heeysata oo lagu leeyahay waxaa ilaalinaa ciidankaan Police-kaa iyo Cabdibilayaal dhashiike saaran yahay.
5: Gabadhaan Tiktoker-kaa waxeey la ooyee 100% waa been iyo Qiiro Japan Askari ku yiri Gadaal u laabo waxaan Nahay Kolonyo Alle Ka cabso muxuu kuu dhiibay.
Ok waxeey innoo sheegtay in ay tiri adinku Gadaal u laabta hadii askartu tahay Kuwo qaldan maxeey Xabad iyo Xooga ugu mari waayeen.
#END Qiiro Japan lama rabo iyo ooyin bilaa macni ah Askartu hadii ay walaasheen Xoog iyo Hanadaad ku Sameeyn lahaayeen Waa u garaabi laheeyn, xitaa hadii ay Qori ku qaban lahaayeen Waa u garaabi laheeyn in Ciidankeena amniga laga been abuurto waa ceeb iyo ooyin bilaa macni ah.
#Madaxweyne Hassan Sh. Mohamuud asagaa innoo sheegay in hada Ka hor Asaga iyo AUN Madaxweyne Cali Mahdi laga celiyay Jidkaan Maxkmada wuxuu innoo sheegay in uu laabtay ka dib Ka wareegsaday wado kale maalintaas Madaxweyne Hassan ma ooyin, askartu Waa taqaanay Waa celiyeen waana Ka tagey.
F:G Gabar in la caayo raali kama ihi hadii ay jirto in Gabadhaas Askari Caayay waa in Si DEG DEG ah Xabsiga loogu tuuro loona gudbiyo maxkamada awooda u leh Billaahi Towfiiq.
