MUQDISHO, 15 Sebtembar 2025:qabtay kulanka ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah (C-IED). Waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, La-taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, saraakiil ka socday Ciidanka Xoogga Dalka, Booliska, iyo Nabad-sugida Qaranka, iyo xubno ka socday wasaaradaha shaqada ku leh qorshahan. Sidoo kale, shirka waxaa goob joog ka ahaa safiiradda dalalka saaxiibka ah ee Maraykanka, Boqortooyadda Ingiriiska, Midowga Yurub, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (SRSG), AUSSOM, iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya ka taageera dhinaca nabad-galyada. Wasiirka Difaaca, Mudane Axmed Macalin Fiqi, oo furitaanka shirkan muhiimka ah ka hadlay, ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay taageerada saaxiibada caalamiga ah. Wuxuu xusay in helitaanka qalab casri ah iyo dhamaystirka istaraatiijiyaddan Qaran ay yihiin labo tiir oo is dhexgalaya, kuwaas oo sare u qaadaya awoodda ciidankeena iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa dhankiisa yiri: “Istaraatiijiyaddan waa mid taariikhi ah oo si cad u qeexaysa kaalinta sharci, hay’adeed, iyo farsamo ee Soomaaliya ku wajahayso khatarta qaraxyada. Waxay dhabbaha u xaaraysaa nidaam mideysan oo ilaalinaya shacabka Soomaaliyeed.” La-taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa sheegay in istaraatiijiyad qoran ay tahay ballanqaad qaran oo muujinaya hoggaanka iyo wadajirka lagu doonayo in looga hortago qaraxyada macmalka ah. Wuxuu kaloo tilmaamay inuu kalsooni buuxda ku qabo saaxiibada caalamka inay ku garab istaagaan hirgalinta qorshahan qaran. Safiiradda dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska u jooga Soomaaliya, Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya, iyo saaxiibada caalamka ee shirka kasoo qayb galay ayaa isku raacay in qorshahan uu wax weyn ka beddeli doono howl-gallada ka hortaga qaraxyada iyo xoojinta dadaalada ay dowladda Soomaaliya ka wado gudaha dalka. Kulankan ayaa lagu ansixiyay qoraalka istaraatiijiyadda, taasoo loo arko tallaabo weyn oo Soomaaliya u qaaday dhanka isku dubbaridka amniga, iyadoo qorshe howleedyo gaar ah lagu dabaqi doono heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed si loo xaqiijiyo fulinta istaraatiijiyadda.
SAWIRADA KALE:
















