Xafiiska Amniga Qaranka oo qabtay kulan lagu xoojinayo hanaanka maamul ee amniga Soomaaliya. Muqdisho, Soomaaliya 6 oktoober Xafiiska Amniga Qaranka (XAQ) Soomaaliya ayaa qabtay kulan socondoona sadex maalmood kaas oo ay kaqayb galayaan wakiilo ka socda Xafiisyada Amniga Dowlad-Goboleedyada. Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa diyaarinta hindise-sharciyeed ku saabsan dhismaha Guddiyada Amniga Dowlad-Goboleedyada , si loo xoojiyo nidaamka maamul ee amniga dalka.kulanka ayaa u jeedooyinka laga leeyahay waxaa kamid ah:

  1. In la caddeeyo kaalinta Golaha Amniga Qaranka, Xafiiska Amniga Qaranka, iyo Xafiisyada Amniga Dowlad-goboleedyada ee ku jira Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee la cusboonaysiiyay.
  2. In la qeexo hawlaha guddiyada amniga heer federaal iyo heer dowlad-goboleed si loo dheellitiro baahida amniga gudaha iyo ilaalinta madax-bannaanida.
  3. In la horumariyo habraacyo isku-xidhan oo siyaasadda iyo go’aan qaadashada u dhexeeya federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
  4. In la dhiso sharci aasaasi ah oo qeexaya awoodaha, qaab-dhismeedka xubinnimada, iyo hababka wada-shaqaynta.
  5. In la abuuro habab isla-xisaabtan oo wax ku ool ah si looga hortago khataraha kooxaha hubeysan ee aan dawliga ahayn. Dhamaadka kulanka, waxaa la filayaa in ka-qaybgalayaashu ay ka gaaraan faham guud oo ku saabsan qaab-dhismeedka maamulka amniga ee Soomaaliya sida uu dhigayo Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee 2023, isla markaana ay ku heshiiyaan mabda’a wada-shaqeyn iyo is-koordinayn oo u dhexeeya xafiiska aminga qaranka iyo kuwa maamul goboleedyada. Kulankan ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa kalsoonida iyo lahaanshaha siyaasadeed ee hay’adaha amniga Soomaaliyeed si ay u hoggaamiyaan wajiga xiga ee dib-u-habeynta amniga iyo xasilinta nabadda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *